Muqdisho-RisaalaFM- Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya caawa kulan uu shir Guddoominayo ku simaha Madadweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).
Kulanka ayaa su’aalo la xaririira qaab dhismeedka Ciidamada Qaranka lagu weydiinayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid C/laahi Maxamed.
Sidoo kale kulanka waxaa Goobjoog ka ah Guddiyada Difaaca iyo Ammaanka ee Golaha shacabka, sida uu Risaala u sheegay sarkaal halkaasi ku sugan.
Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka ayaa shalay Mooshin ka gudbiyay Hannaanka loo dhisayo Ciidamada Qaranka, waxayna ka soo horjeedaan qaabka la doonayo Ciidamada in lagu dhiso.






