Kulan dood cilmiyeed ah oo looga doodayey horumarinta wax soo saarka cuntada iyo calafka xoola ayaa lagu soo gaba gabeeyey Naivasha Kenya.

Kulankaan oo looga doodayey wax soo saarka cuntada iyo calafka xoolaha Soomaaliya ayaa waxaa soo wada qaban qaabiyey hay’adda AU-IBAR oo midowga Afrika u qaabilsan cuntada iyo calafka xoolaha iyo wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya.

Kulankaan waxaa kasoo qayb galay Warbaahinta, shirkadaha ka shaqeeya Beeraha iyo xoolaha, bankiyada, cilmibaarayaasha, ururada haweenka ee ka shaqeeya arrimaha beeraha, xubno ka socday wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo xubno metelayey hay’adda AU-IBAR oo kulanka soo qaban qaabisay.

Kulankaan oo afar maalin socday ayaa waxaa laysku dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii loo hormarin lahaa wax soo saarka Cuntada iyo Calafka xoolaha Soomaaliya, xubnaha ka socday AU-IBAR ayaa ka qayb galayaasha la wadaagay waxa ay kasoo barteen ilaa shan waddan oo loo qabtay kulankaan oo kale loona dhisay guddi ka shaqeeya arrimaha wax soo saarka cuntada iyo calafka xoolaha.

Kulankaan waxaa lagu aas aasay guddi ka shaqayn doona arrimaha wax soo saarka cuntada iyo calafka Xoolaha. Soomaaliya ayaan noqotay dalkii lixaad ee AU-IBAR ay u dhisaan guddigaan, waxaa hore loogu soo dhisay dalalka Kenya, Uganda, Zembabwe, Nigeria, iyo Camiroon.

Kulankaan oo magaalada Naivasha ka socday muddo afar maalin ah 24-27 June 2024 ayaa waxaa lagu diyaariyey waxyaabaha lagu hormarin karo wax soo saarka cuntada iyo calafka Soomaaliya si horumar looga gaaro mustaqbalka dhaw.