Weeraryahanka Liverpool Adam Lallana ayaa seegi doona kulamada isreebreebka koobka adduunka xulkiisa England ka dib markii uu dhaawac gumaarka ah soo gaaray intii lagu guda jiray kulanii Reds ‘2-1 kaga badiyeen Swansea.
Lallana, oo 28 jir ah, ayaa dhaliyay goolka guusha England kulankii furitaanka Group F ee ka dhanka ahaa Slovakia,laakiin diyaar uma noqon doono kulamada Malta 8 October iyo Slovenia 11 October.
Tababaraha ku meel gaarka ee England Gareth Southgate ayaa magacyada kooxdiisa soo gudbin doonaa gelinka dambe ee maanta oo Axad ah.
“malahan fursad uu ugu ciyaaro xulka qaranka,” ayuu yiri tababaraha Reds Jurgen Klopp.
“Laakiin waxaan rajeynayaa 15 ama 16 maalmood gudahood inuu kusoo laaban doono garoomada.”
Ciyaarta ka dhanka ah xulka Malta ee ka dhaceysa Wembley ayaa noqon doonta tii ugu horeysay ee macalin Southgate uu hogaamiyo xulkiisa ka dib markii uu sikumeel gaar ah shaqada kala wareegay macalinkii fadeexada isku casilay ee Sam Allardyce.
Allardyce ayaa shaqada xulka isaga casilay fadeexad lasoo gudboonaatay kaliya markii uu 67 maalmood shaqada hayay.
Liverpool ayaa kula ciyaari doonta Manchester United kulanka ugu soo horeeya Horyaalka Manchester United garoonka Anfield, 17 October.


