Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin Dhibaato uu hadda dareemayo Rooney oo booska la’aan ahaa labadii kulan ee lasoo dhaafay.
Rooney ayaa ku dhibtooday inuu qaab ciyaareedkiisa ugu fiican helo xilli ciyaareedkan, waxaana Sky Sports shaaca ka qaaday in kulanka Stoke City ee maanta markale keydka la gelin doono.
30-sano jirkaan ayaa dhawaan la xaqiijiyay inuu sii ahaan doono kabtanka England , iyadoo Tababaraha kumeel gaarka ah ee Gareth Southgate todobaadkan uu cadeeyay warkaas,
Mourinho ayaa sidoo kale sheegay inuu taageeray go’aanka tababaraha xulka Engladn, islamarkaana uu yahay Rooney mid u qalba inuu markasta noqdo hogaamiye.
“Wayne waa shaqsi weyn oo mudan hogaaminta gudaha iyo banaanka garoonka, ayuu yiri tababaraha reer Portugal. “Isagu waa kabtanka kooxda waxaana uu dhiiro gelin siiyaa ciyaartoyda.
“Waa adag tahay in mararka qaarkood sidiisa oo kael aad noqto, waxaan u heynaa ixtiraam , Isagu waa ninka ugu weyn Manchester United, waxa uu leeyahay xirfad weyn oo uu doonayo markasta in ay ku guuleysato kooxdiisa ayuu yiri.
Wayne kuma soo bilaaban labadii kulan ee ugu danbeysay kooxdiisa, laakiin waxa uu ciyaaray qeyb kamid ah labadaas ciyaar, sidaas waxay kuu muujineysaa in aysan jirin dhibaato.
“Waxaan qabaa in Gareth Southgate uu muuiyay ixtiraam weyn marka uu qaatay go’aanka uu kusii ahaanayo kabtanka xulka Rooney, waxaan u heynaa ixtiraan 100/% ah ayuu hadalkiisa ku daray Mourinho.


