Kooxo hubeysan oo wiil dhalinyaro ah ku dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa  goordhaw xaafadda Fagax ee degmada Yaaqshiid ku dilay wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka mid ahaa dadka ku shaqeysta Mootooyinka loo yaqaano Mooto Bajaajta.

Sidda dadka degaanka ay xaqiijiyeen Marxuumka waxaa dilay rag damacsanaa in ay ka dhacaan Mooto uu watay, hase yeeshee Marxuumka ayaa diiday inuu dhiibo furaha Mootada.

Wiilka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray  Cabduqaadir Goosaar.

Kooxaha hubeysan ayaa la sheegay in dilka ka dib ay la baxsadeen Mootaddii uu watay, islamarkaana ay kula dhex carareen Xaafadda Fagax.