Kooxda Napoli oo Isha ku heysa Ciyaaryahan Caan ah

Kooxda kubadda cagta ee Napoli ayaa isha ku heysa xaaladda weeraryahanka aan ka tagin Real Madrid ee Luka Jovic, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Talyaaniga.

22 jirkan ayaa ugu biiray kooxda Los Blancos heshiis qaali ah suuqii xagaaga isagoo ka yimid kooxda Eintracht Frankfurt, laakiin waxa uu ku soo bilaawday kaliya afar kulan oo horyaalka ah waxana uu noqday mid ka quustay qorshaha Zinedine Zidane.

Wargayska ka soo baxa dalka talyaaniga ee Il Mattino ayaa hada sheegaya in kooxda Napoli ay si aad ah u doonayso weeraryahankan iyada oo dooneysa inay ku xoojiso Dries Mertens iyo Arkadiusz Milik.

Wakiilka Ciyaryahanka Fali Ramadani, oo wakiil u ah saddexda ciyaaryahan ee Napoli Kalidou Koulibaly, Nikola Maksimovic iyo Diego Demme, ayaa xiriir fiican la leh kooxda ka dhisan Italy.

Weeraryahanka reer Serbia Jovic ayaa muhiim u ahaa Frankfurt xilli ciyaareedkii hore wuxuuna u dhaliyay 27 gool tartamada oo dhan.

Taasi waxay dhalisay kooxda ka ciyaarta Bundesliga inay kiciso qiimaha ciyaryahanka, ka hor inta aysan Real Madrid usoo qaadan inuu noqdo bedelka Karim Benzema.