Xiddiga amaahda ku jooga kooxda Arsenal Pablo Mari ayaa ka go’ansaday inuu sugto heshiis joogto ah oo uu ugu wareego kooxda ka dhisan Premier League dhamaadka xilli ciyaareedkaan.
Mari ayaa kooxda Flamengo ee dalka Brazil kaga soo wareegay heshiis amah ah Arsenal intii lagu guda jiray suuqa kala iibsiga bishii Janaayo.
Labadiisii kulan ee uu u ciyaaray Arsenal, daafaca dhexe ee reer Spain Mari wuxuu ka caawiyay kooxda Mikel Arteta inay ilaashadaan shabaqeeda.
“Haa, dabcan,” ayuu Mari u sheegay suxufiyiinta markii la weydiiyay haddii uu doonayo inuu si joogto ah ugu biiro Arsenal ka dib guushii ay Sabtidii 1-0 uga gaareen West Ham.
Aad ayaan ugu faraxsanahay halkaan. Waxaan isku dayayaa inaan sameeyo intii karaankeyga ah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.
“Waxaan rajeynayaa sidoo kale kooxda inay ku faraxdo aniga waxa aan sameynayo ka dib waxaan dooneynaa inaan helno dhamaadka waxa ugu fiican qof walba.
Waxaan doonayaa inaan ka ciyaaro mid ka mid ah horyaalada ugu fiican adduunka, waana halkaan sababta aan u joogo. Waxaan doonayaa inaan sida ugu fiican usameeyo kooxda, inaan ku guuleysto kulamo badan iyo sidoo kale taageerayaasha inay ila raaxeystaan . ”
Arsenal ayaa ku jirta kaalinta sagaalaad ee Premier League ka dib 28 kulan oo ay ciyaareen, waxaana sideed dhibcood ay ka dambeysaa kooxda ay ku xafiiltamaan London ee Chelsea – kuwaasoo ku jira kaalinta afaraad ee Horyaalka.
Kooxda Arteta ee Arsenal ayaa u safreysa Etihad Stadium si ay ula dheesho kooxda kaalinta labaad ee Manchester City habeenka Arbacada.



