Kooxda Arsenal ayaa soo nooleysay rajadii ay kala heyd hanashada horyaalka kadib markii ay 2-0 kaga badisay kooxda Everton.
Arsenal ayaa si fiican ku bilaabatay kulankaan xiisaha badan , waxaana ay soo gabagabeysay todobaad naxdin aha aoo ay soo martay.
Bilowgiiba Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez ayaa wadajir ahaan u bilaabay weerar isdaba jooga ah , waxaana y u bauureen fursad fiican Danny Welbeck kaasoo uu ka kansalay goolhaye Joel Robles ”
GOOOOL Welbeck!
Markale Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez ayaa kubad ay si wanaagsan isugu dhufsadeen bananaka xerada ganaxa , waxaa loo dusiyay Danny Welbeck kaso u gooyay goolhaye Joel Robles, waxanaa uu dhaliyay goolka koobaad ee Arsenal.
Alexis Sanchez ayaa isku day wanaagsan markale sameeyay! Lakiin weeraryahanka Arsenal ayaa aad u carooday isagoo dalbaday rikoore markii xerada ganaaxa si qaldan loogu raacay
Garsooraha ayaan waxba kasoo qadin qaladkaas inkastoo uu aad u carooday weeraryahanka Arsenal.
GOOOOL IWobi!
Everton oo aan sameyn badan ku laheyn ciyaarta ayaa laga dhaliyay goolka labaad , waxaa saxiixay Alex Iwobi oo19 sano jir ah kasoo kulankiisii ugu horeeyay kusoo bilowday galabta.
Arsenal ayaa fursado badan abuurrtay kuwasoo ay gool sadexaad ku dhalin nkartay qeybta koobaad ee ciyaarta, lakiin kama faa’ideysan fursadahaasi.
qeybta hore ayaa kusoo dhamaatay 2-0 , oo ay ku hogaamineysay kooxda Arsenal iyadoo aysan Everton helin wax fursado ah.
Markii dib la isugu soo laabtay kooxda Arsenal ayaa abuurtay fursado halis ahaa, iyadoo Iwobi uu ku dhawaday inuu golkii labaad dhaliyo.
Macalin Arsene Wenger ayay dhibaato soo wajahday kadib markii Ozil uu dhaawacmay halka goolhaye Ospina isagana uu dhaawac soo gaaray hase ahaatee uu ciyaarta dhameystay maadaama aysan jirin goolhaye wanaagsan o ufadhiya Arsenal.
Guusha Arsenal ayaa ka dhigeysa iney soo nooleyso rajadeeda horyaalka Ingiriiska, waxaana haatan ay 8 dhibcood ka hooseeyaan hogaamiyaasha horyaalka ee Leicester oo goordhow la ciyaareysa naadiga Crystal Palce


