Kooxaha Premier League Oo Loo Ogolaaday Inay Garoomadooda Ku Dhameystaan Xilli Ciyaareedka Laakiin Sharuud Weyn Ayaa Ku Xiran

Kooxaha Premier League ayaa loo ogolaan doonaa inay xilli ciyaareedka ku dhameystaan garoomadooda ka dib markii ay dowlada Ingariiska wax ka bedeshay go’aankeedii hore taasoo xal u noqoneysa qilaafkii u dhaxeeyay kooxaha Premier League.

Sida ay sheegayaan wararka soo baxaya, wadahadalo mirodhal leh ayaa xalay dhexmaray waaxda Dhaqanka, Saxaafada iyo Isboortiga iyo sidoo kale boliiska, saraakiisha maamulka amaanka garoomada, wakiilo ka kala socda Premier League, FA-ga iyo EFL.

Sida ay sheegtay Daily Mail wadahadalada ayaa ku soo dhamaaday iyadoo dowlada ay ku talisay inaysan waxba ka qabin in kooxaha ay ku dhameystaan xilli ciyaareedka garoomadooda haddii saraakiisha boliiska magaalooyinkooda ay ogolaadaan.

Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in tiro badan oo saraakiisha boliiska dalka Ingariiska ah inaysan dhibaato ku qabin in kooxaha ay ku ciyaaraan garoomadooda haddii la raacayo tilmaamaha caafimaadka.

Waxaa jirtay cabsi ah in kumanaan taageerayaal ah ay iska soo buuxiyaan banaanka garoomada kooxaha haddii kulamada lagu ciyaarayo garoomo faaruq ah.

Waana sababta ugu weyn ee kooxaha qaar ay u doonayeen in lagu ciyaaro garoomo kooban oo dhexdhexaad ah, laakiin inkastoo ay weli taasi tahay walaac jira hadana kooxaha yaryar ayaa ku doodaya inay weli taasi dhibaato noqon doonto xitaa haddii lagu dheelo garoomo dhexdhexaad ah.