Doorashada xubnaha u taagan Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabaneysa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Xubnaha Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa u tartamaya ku dhawaad 19 musharax , waxaana looga baahan yahay oo keliya 8 xubnood.
Qaar ka mid ah guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa idaacadda Risaala u sheegay in doorashada ay bilaabaneyso , islamarkana lagu wado in ergooyinka ay u codeeyaan xubnaha Aqalka Sare.
Magaalada Baydhabo ee xarunta ee Gobolka Baay ayaa waxaa shalay ka bilaabatay dhageysiga khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u tartamaya Xubnaha Aqalka Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed


