Dagaalkii shalay Gelinkii dambe ka dhacay Magaalada Afgooye, waxaana ku dhintay dad isugu jira askar iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobihii ay ka dhaceen Qaraxyada iyo sidoo kale dagaalada.
Dadkii ku dhintay dagaalkii shalay Gelinkii dambe ka dhacay Afgooye waxaa ka mid ahaa:
Taliyihii Ciidamada Asluubta ee degmada Afgooye Labo Xiddigle C/qadiir Maskiinoow.
Isku Duwihii Maaliyada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamuud (Qooleey)
Col. Axmed C/qaadir Cabdulle Gorod oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka Birmadka .
Waxaa sidoo kale ku dhintay dad gaaraya ku dhawaad 19 qof sida ay sheegayaan madaxda maamulka Koonfur Galbeed.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa xaqiijiyay geerida madaxdaasi ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.


