Khayre oo la kulmay Wasiir Sergey Lavrov “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Mareykanka, iyagoo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov iyo madax kale oo dowladaasi ka tirsan.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruusha Sergey Lavrov ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee  labada dal ka dhaxeeya iyo sidii Dowladda Russia ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo qalabeyntooda.

Wafdiga labada dhinac ayaa isku afgartay qodobo dhowr ah, iyadoo lagu balamay in la kordhiyo kulamada ay yeelanayaan masuuliyiinta labada dowladood, si loo adkeeyo xiriirka muddada dheer jira ee Soomaaliya iyo Ruushka ka dhaxeeya.

Khayre ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doono shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, Isagoo ka hadli doono horumarka ballaaran ee dhowrkii mudadii la soo dhaafay ay gaartay dawladda Soomaaliya.