khasaare ka dhashay Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax  ka dhacay degmada Karaan.

Qaraxa ayaa ahaa bam gacmeed Waxana uu ka dhacay Nawaaxyiga Barkoontarool oo ku taalla  Waaxda Nageyle ee degmada Karaan waxaana ku dhaawacmay 2 qof oo shacab ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamada Hay’adaha Amniga ayaa  gaaray goobta waxana ay ka sameeyeen Hawgallo mana jirto cid loo soo qabtay Qaraxaasi caawa ka dhacay degmada Kaaraan.