Khasaare ka dhashay Dagaal ka dhacay Sh/Hoose

Sh/Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gooblka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Dagaal xoogan oou dhaxeeyay Ciidanka Dowladda iyo Shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Dowladda Federaalka ay weerar ku qaadeen Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose oo ay ku sugnaayeen Dagaalyahanada Shabaab.

Dagaalkan oo mudo saacado ah socday ayaa waxaa Ciidanka Dowladda Federaalka u suura gashay in ay la wareegaan Degaanada kala ah Bariire, Sabiib, Malable iyo Daarul-salaam, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Dowladda.

Sidoo kale Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Degaanka.

Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay gaareen goobaha ay ka dhaceen Dagaalada, waxaana ay wadaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab.