Goolhaye Courtois Oo Afka Furtay Sheegayna Ineysan U Baahneyn Costa

Waxaan arkay guusha Diego Costa la aan ee kooxda Chelsea, waxaa sidaa yiri goolhaye Thibaut Courtois.

Chelsea goolhayaheeda Thibaut Courtois ayaa aaminsan kooxdiisa inay u dirtay fariin kooxaha ay la xifaaltanto kadib guushii kooxda Leicester City Diego Costa la aan ay ka gaartay kooxda championka horyalka England sanadii tagtay.

Costa sida muuqato ma salfadhiyo kadib markii uu uga yimaaday dalab xoogle Chinese Super League, halka macalin Antonio Conte uu sheegay xidiga reer Spain inuu qabo dhaawac dhanka dhabarka ah.

Asaga waa laga soo tagay shaxdii hogaamiyaasha horyaalka Premier League ay ku xasuuqday kooxda Leicester City guushii 3-0 ka ee sabtidii.

Courtois ayaa dareensan macalin Conte inuu dhibco ku lumiyay kooxda kaalinta labaad soo gashay ee Tottenham.