J/Hoose-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Tuulada Yaaq-bishaaro oo 60-KM u jirta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo Dad xoolo dhaqato ah, waxaana uu socday mudo saacado ah.
Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay Dagaalkan in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii Dagaalamay, inkastoo tirada rasmiga ah aan la xaqiijin karin.
Ciidanka Amaanka Maamulka Jubbaland ayaa caawa waxa ay dhaq dhaqaaq Ciidan ka wadaan Duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.


