Khasaare ka dhashay Dab ka kacay suuqa ku yaala Magaalada Jowhar

Wararka ka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee Caasimadda Dawlad  goboleedka Hirshabeelle  ayaa sheegaya inuu dab xoogan ka kacay Suuqa weyn ee magaaladaas.

Dabka ka kacay Suuqa weyn ee ku  yaala xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ayaa lasoo sheegaya inuu ku faafay qeybaha kala duwan ee ganacsiyada halkaas ku yaala.

Dabka ayaa baabo’iyay Hantidii taalay qaubo ka mid ah suuqa, iyadoo ay ku buryau Goobo badan oo Ganacsi ah

Ganacsatada Suuqa iyo Dad kale oo  aad u tiro badan ayaa oo gaaray suuqa  ayaa tacaalay  sidii ay u damin lahayeen dabkaas  oo ah mid aad u xoogan.

Dabkaan ka kacay Suuqa Jowhar ayaa kusoobeegmaya , xilli  sidaan oo kale ay u gubtay suuqaasai sanad ka hor , lamana oga waxa uu ka dhashay dabka ka kacay Suuqa weyn ee magaalada Jowhar