Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Nawaaxiga Wasaaradda Gaashaandhigga

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qaraxii ka dhacay Agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kaasi oo ahaa mid loo adeegsaday Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay xilliga uu Qaraxa dhacayay in goobta uu marayay Gaari BL ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Qaraxan oo dhacay duhurnimadii maanta ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha laamaha ammaanka.

Inta la xaqiijiyay 6 Qof ayaa ku dhimatay 7 kalena way ku dhaawacmeen oo ay ka mid yihiin Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga, sida uu Risaala u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo ku sugan goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Sidoo kale Sarkaalkan ayaa inoo sheegay in xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga xilliga uu Qaraxa dhacayay ay ku soo idlaatay xaflad ay xilalka ku kala wareegayeen Taliyahii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Buud iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cirfiid.

Qaraxan ka dhacday Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ku soo beegmaysaa laba cisho ka dib, markii Madaxweyne Farmaajo uu is bedel ku sameeyay Taliye-yaasha ciidamada, kuna dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab.