Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay 20 kalena waa ay ku dhaawacneen Qaraxii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay Maqaayad lagu shaaheeyo Kismaayo ku taalla.
Taliye ku xigeenka Ciidamada Nabad Suggida Jubbaland oo Warbaahinta kula hadlay Kismaayo, waxaa uu sheegay in Qaraxaasi ay ku dhimatay Haweenaydii laheyd Maqaayada la qarxiyay.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dhaawac uu soo gaaray dad badan oo Shacab ahaa oo fadhiyay Maqaayadda la qarxiyay.
Goobaha Caafimaadka Magaalada Kismaayo ayaa la gaarsiiyay dhaawacyo badan oo qaarkood ay culus yihiin.
Qaraxa ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo beegmaya Xilli Maalmihii lasoo dhaafay Ciidamada Jubbaland duleedka Magaalada Kismaayo ay ka wadeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.



