DHAGEYSO: Maxaa ka jira Mooshinka M/kuxigeenka Galmudug?

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay Warbaahinta ayaa beeniyay Warar maalmihii lasoo dhaafay ay tabinaayay qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida oo ku aadana in Mooshin laga keenay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka Baarlamaanka Galmudug in uusan jirin Mooshin ay keeneen Xildhibaanada oo soo gaaray Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jiraan dadka qalqalgelinaya Bulshadda kunool degaanada maamulka Galmudug oo faafiyay wararkaasi been abuurka ah.

Dadka Shacabka ah ayuu sheegay in ay ka maqleen Mooshinkaasi.