DHAGEYSO: Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Qansax-dheere

Qansax-dheere-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geysay oo ka dhacay Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay, kaasi oo dhacay barkhanimadii maanta.

Qaraxan oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Maqaaxi ku taalla Degmada Qansax-dhaare, halkaasi oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan Degmadaasi.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacantay Labo masuul oo ka tirsan Degmadaasi iyo Shan Askari ilaalo u ah masuuliyiintaasi.

Guddoomiyaha Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay Isaaq Cabdi Maxamed oo la hadlay VOA ayaa warkan xaqiijiyay, wuxuuna sheegay in ay socdaan baaritaano lagu raadinayo raggii ka dambeeyay falkan.

Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay ayaa waxa ay 90-KM ujirtaa Magaalada Baydhabo, waxaana Degmadan ay go’doon u tahay Shabaab 2012-kii ilaa hada.