Guddoomiye Jawaari oo Muqdisho ka ambabaxay

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxa ay ka ambabaxeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,

Wafdiga Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku sii sagootiyay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale.

Guddoomiye Jawaari oo u duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa safarkan uu ku aaday dalkaasi waxa uu u yahay midkiisii koowaad ee uu dalka kaga ambabaxo, tan iyo markii loo doortay xilka Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu halkaasi kulamo kula yeelan doonaa Deeq-bixiyeyaasha caalamka.

Mudane Jawaari ayaa Deeq-bixiyeyaasha caalamka kala hadlaya sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii ay wax uga qaban lahaayeen arrimaha Ammaanka iyo Abaaraha dalka ka jira.