Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay magaalada ay ka dhaceen labo qarax.
Qaraxyada ayaa lagu weeraray saldhig ku yaala magaalada Gaalkacyo, waxaana ay ahaayeen kuwo gacanta laga tuuray.
Saldhiga qaraxyada lagu weeraray ayaa ku yaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo maamulka Puntland uu ka taliyo.
Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi, waxaase socdo baritaano ay sameynayaan ciidamada amaanka ee maamulka Puntland.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.


