Khabiir Charlie Nicholas Oo Saadaaliyay Finalka Champions League Ee Bayern Munich vs PSG

Khabiirka Sky Sports Charlie Nicholas ayaa saadaaliyay kulanka finalka Champions League ee habeen danbe dhexmaraya labo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub ee Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain.

Xiddigii hore ee Arsenal Charlie Nicholas ayaa saadaaliyay in kulanka habeen danbe uu noqon doono mid la isku jilbo murxo islamarkaana lagu kala bixi doono 30 daqiiqo oo dheeri ah taasoo la micno ah inuu saadaalinayo in 90ka daqiiqo ay barbaro ku kala bixi doonaan.

Nicolas ayaa saadaaliyay in labada kooxood ay 90ka daqiiqo ku kala bixi doonaan barbaro 2-2 ah, islamarkaana PSG ay badin doono 30ka daqiiqo ee dheeriga ah islamarkaana markii ugu horeysay abid loo caleemo saari doono koobka Champions League.

Charlie Nicholas ayaa aaminsan in inkastoo Bayern Munich ay wacdarro dhigeyso iyagoo goolal badan ku soo xasuuqay Tottenham, Chelsea iyo Barcelona inay hadana leeyihiin hal meel oo ay ka jilcan yihiin.

Wuxuu sheegay in daafacyadooda garbaha ay yihiin kuwa aad u fiican balse daafacooda dhexe uu liito islamarkaana xiddigahooda khadka dhexe aysan jecleyn inay inta badan kubada difaacdaan.

Wuxuu sheegay in Neymar iyo Kylian Mbappe ay heli doonaan fursado ay Paris Saint-Germain uga dhigaan Boqorada Yurub.

“Halka ay Bayern ka liidato waa daafac. Messi waxay aheyd inuu gool ka dhaliyo, naftiisa ayuuna ku careysnaa inuusan gool dhalinin. Bayern ciyaarta waa ay dishay markii danbe laakiin fursado ayay bixiyaan.

“Ma hubo haddii Jerome Boateng uu ciyaari karo inkastoo aysan iga dhaadhacsaneyn inuu yahay daafac weyn laakiin hadana waa ay tabi doonaan haddii uusan taam u noqonin ciyaartaan. Difaacashada kulankaan waa uu yaraan doonaa. Daafacyada garbaha waxay noqon doonaan kuwa cajiib ah, halka xiddigaha khadka dhexe aysan jecleyn inay kubada difaacdaan sidaasi darteed Leon Goretzka ayaa muhiim noqon doona laakiin ciyaarta waxay ku xirnaan doontaa kumaa orod badan.