Kenya oo xirtay nin ku hanjabay in uu ku biiraayo Al-Shabaab

Ciidanka dowladda Kenya ayaa xiray nin ku hanjabay in uu ku biiraayo Xarakada Al-Shabaab hadii aan shaqo laga siin ciidanka difaaca dowladda Kenya.

Alex Maraga Nyambane oo ka mid ah dhalinyarada doonaysa in ay ku biiraan ciidanka difaaca dowladda ayaa ku hanjabay hadii uu ku guul dareysto in uu ku biiro ciidanka ammaanka in uu ku biiri doono Xarakada Al-Shabaab Asaga iyo sidoo kale dhalinyaro kale oo ay saaxiibo yihiin.

Al-Shabaab ayuu sheegay in diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan hadii lagu soo dhaweyn waayo ciidanka Difaaca dowladda Kenya.

Ciidanka ammaanka ayaa xabsiga dhigay waxaana ay weydiinayaan Su’aalo la xariira sababtay uu ugu biiraayo Xarakada Al-Shabaab.

Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda danbi baarista dalka Kenya ayaa sheegay in ninkaasi ay horay ugu tuhmaayeen in uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab.

Waxaa sheegay in ciidanka ammaanka ay sharciga marsiin doonaan , islamarkaana ay ku ridi doonaan xukunka uu muteysto.

Dhalinyaro badan oo u dhashay dalka Kenya ayaa horay ugu biiray Al-Shabaab.