DHAGEYSO WAREYSI: Shacabka ku dhaqan xaafadda Xamar Jadiid oo ka cabanaya tuugo dhac u geysta

Qaar ka mid ah Xaafadaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa kusoo badanaya kooxaha hubeysan oo dhaca u geysanaya dadka shacabka ah.

Xaafada Xamar Jadiid oo ka mid ah xaafadaha ku yaalla degmada Wartanabada ayaa la sheegaya in ay kusoo kordheen kooxo ku labisan dareeska ciidanka dowladda Soomaaliya oo xilliyada habeenkii ah dadka u geysanaya dhac xoogan.

Kooxaha hubeysan ayaa la sheegaya in qaarkood ay u dhacayaan guryaha halka kuwo kalena ay dadka wadooyinka Marayaa ay qaadanayaan waxyaabaha ay wataan.

Qaar ka mid ah dadka kunool xaafadaasi oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay ina ku wargaliyeen maamulka Degmad , lakiin aysan wali wax ka qaban.