DHAGEYSO: Kenya oo xirtay afar dhalinyaro Soomaali ah

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xarig garoonka diyaaradaha  Wilsan ee magaalada Nairobi loogu geystay afar dhalinyaro Soomaali ah kadib markii laga shakiyay.

Saraakiil u hadashay maamulka garoonka diyaaradaha ee Wilsan ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka tageen magaalada Muqdisho ayna kusii jeedeen dal ku yaala Africa gaar ahaan koofur Africa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhalinyarada la xiray kadib markii ismaandhaaf uu soo kala dhex galay rag mukhalasiin ah iyo ciidamada booliska, waxaana la sheegay in markii dambe shaki ahaan loogu xiray Nairobi.

Ma jiro sarkaal ka tirsan dowlada Kenya oo si faahfaahsan arintaan kaga hadlay, laakiin waxaa socdo baaritaano hayadaha amaanka ay sameynayaan oo lagu ogaanayo dhalinyarada iyo waxay ahaayeen.

Dalka Kenya waxaa sii mara dhalinyaro badan oo qaarkood doonaya iney kaga sii gudbaan dalalka Africa, waxaana ciidamada booliska inta badan ay qabtaan dhalinyarada tahriib doonka ah.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhalinyaradaasi dib loogu soo celin doono magaalada Muqdisho oo markii hore ay ka tageen.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa ciidamada dowlada Kenya waxay qabteen dhalinyaro badan oo Soomaaliya ah kuwaasi oo kusii jeeday magaalada caasimada u ah dalka Sudan.