Liverpool ayaa gashay xaalad kale oo dhaawacyo ah kaddib markii xalay loola cararay cusbitaal ku yaalla magaalada Liverpool inyar kaddib dhamaadka ciyaartii ay guusha kaga gaadhay Napoli.
Kooxda tababare Klopp oo toddobaad ka hor lagu wargeliyey in aanay heli doonin difaacooda Joe Gomez oo muddo lix toddobaad ah garoomada ka maqnaan doona ayaa waxay xalayna heshay mashaqo kale oo ay uga fiicnaan lahayd in aanay waqtigan kusoo beegmin.
Tababare Jurgen Klopp ayaa xiddigihiisa difaacu ay halgan adag u galeen inay iska caabbiyaan wiilasha gaagaaban ee Napoli ee uu layliyo tababaraha khabiirka ah ee Carlo Ancelotti, waxaanay libaaxyada Klopp ee Van Djik, Matip, Arnold iyo Robertson ku guuleysteen mowqifkooda iyagoo garab weyn ka helaya goolhaye Alisson Becker.
Haddaba markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa waxa cusbitaalka loo qaaday difaaca reer Cameroon ee Joel Matip oo waxyeelo kasoo gaadhay garabka, halkaas oo uu ku qaatay baadhitaano.
Difaacan oo dhamaystay 90-kii daqiiqadood ee ciyaarta ayaan laga dareemin in waxyeello soo gaadhay balse markii ay dhamaatay ayaa ay kooxda caafimaadka iska waraysteen xanuun badan oo uu dareemayay oo qasab ka dhigay in aan la sugin inta waagu beryayo.
Liverpool waxa kale oo ciyaartan kaga dhaawacmay James Milner iyo Trent Alexander-Arnold oo la beddelay, waxaanay xaaladdan qalalaasaha ee difaac kusoo beegmaysaa iyadoo Axadda ay Liverpool garoonkeeda Anfield kusoo dhoweyn doonto Manchester United.



