Macallinka kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa u sheegay saxiixiisa cusub ee Fabinho inay lix bil ku qaadan karto la qabsiga qaab ciyaareedka kooxda Reds.
Laacibka reer Brazil ayaa kusoo biiray Klopp kooxdiisa, iyadoo ay saxiixiisa ku garaacday kooxo badan oo Europe ka dhisan kuwaasoo doonayay adeeggiisa.
Waxaase laacibkan uu saftay keliya hal kullan oo uu beddel kusoo galay, isagoo sheedda ka daawaday kullamada Premier League-ga.
Daqiiqadahii ugu dambeeyay ee ciyaartii PSG ay guusha ka gaareen ayuu qayb ka ahaa Fabinho.
“Ma ahan mid ka duwan ciyaartoyda, ma ahan wax isku qasan, keliya waxa uu u baahanyahay inuu joogteeyo” ayuu Klopp sheegay, sida laga soo xigtay FourFour Two.
Macallinka reer Germany ayaa qiray inuu lix bilood ku qaadan karto inuu la qabsado kooxda Anfield.
Klopp ayaana sidoo kale carrabka ku dhuftay in koox walba ay leedahay qaab iyada u gooni ah.



