Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay Shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha uu dhamaaday Waqtigiisa.
Jubbaland ayaa soo jeedisay in la sugo dadaallada uu waddo Ra,iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku aadan xal u helida Khilaafka doorashada.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhiirageliyay dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaaraha, waqtina la siiyo wada hadalada u dhaxeeya RW Rooble iyo Midowga Musharaxiinta.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay ka qeyb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay.
“Dowlad Jubaland waxay dhiiri gelinaysaa, qabtaana in la tabantaabiyo waqtina la siiyo wada hadalada u dhexeeya RW Rooble iyo midowga musharixiinta. Waxay sidoo kale diyaar u tahay ka qayb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay, gundhigiisuna yahay heshiiskii Sep17” ayuu yiri Axmed Madoobe.



