Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa Musharrixiinta u taagan golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee xilalka ka haya Hay’adaha kala duwan ee dowladda amray, inay banneeyaan xilalka ay ka hayaan Hay’adaha Qaranka laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu ahayd 0/2/02/2021.
War-saxaafadeed Qoraal ah oo galabta ka soo baxay Guddiga doorashooyinka, ayaa lagu sheegay in Xeerka doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee Xeer Lambar 91/2020 ee Somaliland uu faraayo Musharrixiinta inay banneeyaan xilalka ay ka hayaan Hay’adaha dowliga ah.
“Sida aynu la wada ognahay, waxa dalka ku soo fool leh doorashooyinka isku sidkan ee labada gole ee Wakiillada iyo Deegaanka oo ku muddaysan 31/May/2021. Qabsoomidda doorashooyinku waxa ay farayaan Musharrixiinta u taagan doorashooyinka in ay banneeyaan Shaqooyinka ay ka hayaan Hay’adaha Qaranka.
Waxa Xeerka guud ee doorashooyinku, Xeer Lr.91/2020 uu ku waajibinayaa Shaqaalaha Dowladda, Ciiddammada iyo Hay’adaha Dowliga ah derajo kasta oo ay yihiin in aan loo oggoleyn in ay isku sharraxayaan doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka, haddii aanay shaqo ka tegis soo qorin 90 cisho ka hor taariikhda qabsoomidda doorashada.
Sidaa darteed, waxa uu Komishanku ku wargelinayaa cid kasta oo doonaysa inay ka qayb-qaadato doorashada golaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka ee muddaysan 31-ka May t 021. In Xilliga Sharcigu u xaddeeyey soo gudbinta casilaaddoodu ay tahay ugu dambayn 02/03/2021. Shaqo ka tegistaas waxa shardi ah, inuu sidaa qoraal ku soo caddeeyo XXafiiska, Hay’adda amma cidda uu awoodda u lihi, sida uu waajibinayo Qodobka 9-aad ee Xeer Lr. 91/2020.
Sidoo kale, waxa uu Komishanka doorashooyinku Qaranku caddaynayaa inay reebban tahay in hantida Qaranka loo isticmaalo ololaha doorashooyinka sida ku cad Qodobka 94-aad ee Xeer Lr. 91/2020. Allaah Mahad leh.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedkan oo Warbaahinta Hadhwanaagnews soo gaadhay galabta, kaasoo ay soo saarreen Guddiga doorashooyinka Somaliland.



