Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay Ciidamo dhawaan sheegay in ay ka goosteen maamulka Jubbaland ayna ku biireen dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa xaqiijiyay jiritaanka cidammada baxsaday balse sheegay inaysan ahayn wax weyn.
210 askari oo ka tirsanaa ciidammada uu fadhigoodu yahay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, isla markaana hoostagta maamulka Jubbaland, ayaa la sheegay inay u goosteen dhinaca dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
“Horta Beledxaawo, Luuq iyo Doolow waxaa jooga hal ciidan, oo ah ciidanka Soomaaliyeed, oo ammaanka ilaaliyo, oo waajibaadkiisu uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab. Waxaa jira ciidan dhallinyaro ah, oo ka tirsanaa ciidankii Beledxawo oo aaday magaalada Luuq, iyaguna waxay u tageen ciidankoodii kale oo jooga Luuq, wax dhib ah oo ka taaganna ma jiro, mar walbana way dhacdaa in ciidan meel lagu ogaa ay si amar la’aan ah ama sabab la xiriirta khilaaf dhex mara iyaga iyo madaxdooda uga tagaan xarumahoodii, marka ma aha wax weyn ama sida ay idaacaduhu u dhigayaan, meel ay ka baxsadeen iyo cid ay u baxsadeen midna ma jirto”, ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo la hadlay BBC.
Xiriirka dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa sii xumaanayay bilihii ugu dambeeyay, waxaana uu cirka isku sii shareeray markii doorasho natiijadeeda lagu murmay dib loogu soo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).