Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maantaoo Khamiis ah shir gudoomiyay shirka golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.
Ugu horayn waxaa golaha wasiiradu ay tacsi u Direen Ehelada dadkii ku dhintay Weerarkii qaraxa ahaa ee ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir golaha Wasiiradu waxay Allah uga baryayaan caafimaad taam ah dadkii halkaas ku dhaawacmay.
Waxaa kale oo kulanka maanta lagaga hadlay xaaladaha amaanka Jubbaland,wakhtiga doorashooyinka waxaana golahu uu sheegay in Hay’adaha amaanku ay si adag u sugaan nabadgalyada mudada lagu jiro howlaha doorashooyinka.
Intaas kadib waxaa golahu dood dheer ka yeeshay faragalinta ay Dowlada Federaalku ku hayso hanaanka doorashooyinka Jubbaland iyo khalkhalgalinta joogtada ah waxaana golahu uu soo saaray in la hakiyay maanta laga bilaabo wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka ah iyo Jubbaland go’aankaas ayay golahu gacan taag ku meel mariyeen dhamaan Shacabka ree Jubbaland ayaa loogu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo aan mara la kala qaybin.



