Shil geystay Khasaaro dhimasho ah oo ka dhacay Muqdisho

Shilkan gaari oo sababay khasaaro dhimasho ah ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Gaari booyad ah uu fariin goostay.

Gaariga shilka galay ayaa wadada ka baxay,waxaana uu ka dhex baxay Darbiga Xarun MCH ah oo ku taalla Isgoyska Ceelgaabta,waxana ku geeriyooday shilkaas Saddex Ruux.

Saddex  Ruux ee shilka ku dhintay ayaa waxaa ay ahaayeen kuwa fadhiyay Darbiga Xarunta MCH-ka,isla markaana ahaa kuwa ku Shaqeysta Kaba tolista, iyada oo mudo ka badan hal Saacadood ay gaariga ku hoos jireen.

Majirin cid dadka shilka ku waxyeeloobay u gurmaday marka laga reebo in ay jireen dad badan oo isku dayay inay badbaadiyaan oo gaariga ka hoos saaraan balse aysan ku guuleysan.

Sidoo kale shilkaasi Gaari ayaa waxaa ku bur buray qeybo ka mid ah Darbiga Xarunta MCH-ka ku yaalla Isgoyska Ceelgaabta oo uu gaariga ka dhex-baxay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu shilka ka dhacay,kuwaas oo gacanta ku dhigay Saddex Ruux oo mid ka mid ah uu yahay Darawalka Gaariga shilka galay.