Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in seddex kamid ah ciidamada Alshabaab ay ku dileen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii ciidamada ay baaritaan ka sameeyeen magaalada Kismaayo.
Taliyaha amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo Ismaaciil Qeyre Dhuxulow ayaa sheegay in ciidamada ay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ku dileen saraakiil Alshabaab ah.
Seddexda ruux ee la toogtay ayuu sheegay taliyaha amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo iney ka dambeeyeen weerar xalay lagu qaaday guri sarkaal ka tirsan Jubbaland uu ka degenaa magaalada Kismaayo.
Dhinaca ilaa labo qori oo AK47 ayuu sheegay iney gacanta ku dhigeen ciidamada Jubbaland ee kusugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.


