Juan Mata oo kala cadeeyey Mustaqbalkiisa Manchester United

Kubadsameeye Juan Mata ayaa beeniyey wararka la xiriirinaya inuu xagaagaan ka huleeli doono kooxdiisa Manchester United.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa lagu daray liiska xiddigaha uu xagaagaan iibin doono tababare Jose Mourinho ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub 2016 illaa 2017, wuxuuna keydka kusoo bilowday kulankii saaxiibnimo ee ay Sabtidii guusha 2-0 ah ka gaareen kooxda Wigan Athletic.

Espanyol iyo Everton ayaa lagu soo waramayey inay labaduba xiiso u qabaan 28 sanno jirkaan, oo uu Mourinho laba sanno ka hor ka iibiyey Chelsea markaasoo ay 37 milyan oo ginni kula soo wareegtay Man United.

Laakiin isagoo la hadlayey taageere uu jidka kula kulmay oo weydiiyey haddii uu xagaagaan ka tegi doono Man United, Mata ayaa yiri: “Ha rumeysan waxkasta. Markasta ha dhegeysan warbaahinta.” – Taasoo la micno ah in uusan meelna uga socon Old Trafford.