Jose Mourinho oo Tababarka Manchester United si kulul ku bilaabay

Jose Mourinho, ayaa maanta kasoo muuqday xerada tababarka kooxda Manchester United kadib markii si rasmi ah loogu magcaabay shaqada kooxda.

Ciyaartooyda kooxda Manchester United ayaa inta badan ka qeyb ahaa tababarkii kululaa ee Maanta, iyadoo Saxiixyada cusub ee kooxda Mkhitaryan iyo Eric Bailly ay kasoo muuqdeen tababarkii maanta.

Lakiin saxiixa cusub ee Ibrahimovic ayaa weli ka maqan kooxda isagoo qadanaya fasax kooban, sidookale kabtan Rooney iyo ciyartooydii kale ee ka qeyb gashay Euro 2016 ayaa ka maqanaa tababarkii ugu horeeyay kooxda uu siiyay Jose Mourinho.