Jose Mourinho iyo Wenger Oo Afka Taagay!! Maxaa Dhacay ?

Wenger iyo Mourinho ayaa naxdin afka la taagay ka dib markii war aan lagu farxin uu ka yimid Talyaaniga kaasoo ku saabsan in heshiis cusub uu qalinka dul dhigay 22-jirka weerarka kaga ciyaara Torino oo si weyn looga xiiseynayo qaarada Yurub.

Torino ayaa ugu yaboohday heshiis cusub laacibka diirada u saaran kooxaha Manchester United iyo Arsenal Andrea Belotti wuxuu qaadan doonaa sanadkii £1.3milyan, waxaana ku jira £80 milyan oo heshiiskiisa lagu burburin karo sida uu ku waramayo wargeyska afka dheer Gazzetta dello Sport.

22-jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa ku soo biiray sanad ciyaareedkaan ciyaartoyda ugu goolasha badan Horyaalka Talyaaniga isagoona dhaliyay 10-gool 11kulan uu ciyaaray, waxaana maalmahaanba isha ku haayay Jose Mourinho oo wakiilo United ah u soo diray si ay u daawadaan laacibkaan.

Torino ayaa hore u diiday £30 milyan oo Arsenal ay ku dooneysay laacibkaan u safta xulka Italy waxaana hada cirka isku shareeray lacagta lagu helayo gool dhaliyahaan cajiibka ah.