Jimcihii waxa taariikhda galay goolhayaha 17 jirka ah ee Denis Popov oo laga dhaliyey goolashadii ugu badnaa tan iyo intii ciyaaraha dib loogu soo laabtay.
Laacibkan oo ka tirsan kooxda Rostov ee ka dhisan waddanka Ruushka, waxa shabaqiisa taabtay 10 gool, waxaanu noqday goolhayihii ugu horreeyey ee horyaalka Russian Premier League laga dhaliyo goolal intaas le’eg.
Kooxda Sochi ayaa ku burburisay Rostov 10-1, laakiin goolhaye Denis Popov ayaa loo diiwaangeliyey bandhiggii ugu sarreeyey ee ciyaarta, isaga oo badbaadiyey goolal kale oo tiro badan oo kooxdiisa laga dhalin lahaa haddii aanu garoonka ku jiri lahayn.
Daqiiqaddii ugu horreysay ayay Rostov goolka kaliya ee ay heshay ay dhalisay, waxaana loogu beddelay 10 kale, iyadoo qaybta hore ay ku dhamaatay 5-1, waxaana qaybtii labaad loogu sii daray shan gool oo kale.
Arrinta layaabka leh ee dhacday ayaa waxay tahay in Denis Popov uu badbaadiyey 15 kubbadood oo goolal noqon lahaa, kuwaas oo uu ku jiro rikoodhe, waxaana dhamaadkii la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa garoonka.
War-saxaafadeed ay soo saartay kooxdiisu ayay uga mahad celisay bandhigga uu sameeyey iyo ceebta intaas kasii badan ee soo gaadhi lahayd haddii aanu goolka ku jiri lahayn.
Waxa kale oo ay kooxdu amaantay Roman Romanov oo goolka kaliya u dhaliyey, waxaanay ku eegtay in laacibkan oo isaguna 17 jir ah uu dhaliyey gool aan caadi ahayn oo aan looga baranin ciyaartoy da’diisa oo kale ah, isla markaana uu yahay ciyaartoygii ugu yaraa ee gool noocaas ah ka dhaliya horyaalka RPL (Russian Premier League)