Getachew Radda, oo ah la-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee arrimaha Bariga Afrika, ayaa Eritrea iyo Suudaan ku eedeeyay inay taageeraan kooxaha hubeysan ee dowladda Itoobiya la dagaallamaya, isla markaana ay ku lug leeyihiin weerarro isdaba joog ah oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn laga fulinayo gudaha dalka.
Getachew ayaa eedeymahan sheegay kaddib kulan uu la yeeshay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Guang Kong, oo ay kaga wada hadleen xaaladda amni ee gobolka, gaar ahaan Suudaan iyo Soomaaliya.
Wuxuu labada dal ugu baaqay inay joojiyaan taageerada iyo hubeynta kooxaha mucaaradka, isagoo ku baaqay in xiisadaha lagu xalliyo wada-hadal.
Itoobiya iyo Suudaan ayaa muddooyinkii dambe midba midka kale ku eedeynayay inuu taageero kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.
Suudaan ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay oggolaatay weerarro laga soo qaado dhulkeeda, halka Itoobiya ay horay u eriday diblomaasiyiin Suudaani ah. Suudaan ayaa iyaduna xirtay qunsuliyaddii Itoobiya ee bariga dalkaas.
Labada dal midkoodna ma uusan xaqiijin eedeymahan cusub.



