Boqolaal dadweyne oo ay wehlinayeen Odayaal Dhaqan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa Maanta duleedka Mahaalada Garoowe waxaa ay ka sameeyeen isu soo bax iyo Salaad roobdoon ah.
Dadweynaha ayaa Alle ka baryay in uu ka dulqaado abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee kajira dalka ,sidoo kalena uu u soo dedejiyo Raxmada Alle ama Roobka.
Qaar kamid ah Culama’udiinka ka qeyb galay isu soo baxa Roobdoonka ah ayaa ku sheegay dhibaatooyinka uu kamid yahay roobdoonka musiiboyinka iyo dilalka macdarada uga dhacayo dalka iyo sidoo kale Bulshada oo aan ka feejigneyn waxyaabaha xumaanta ah.
Sidoo kale Culumada iyo Odayaaaha goobjooga ka ahaa isu soo baxa ayaa Bulshada ugu baaqay inay badiyaan Alle ka cabsiga ai Bulshada ay u noqdaan kuwo heli raxmadda alle.
Dhawaan ayaa sidaan oo kale Magaalada Kismaayo waxaa lagu qabtay dibadbax roobdoon ah, kaas oo ay soo qaban waasaaradda Cadaaladda dowlad Goboleedka Jubbland.



