Sida Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho wararka ku heleyso waxaa Magaalada Kismaayo oo ah xarunta ku meel gaarka ee Maamulka Jubaland ka dhacday iska hor imaad u dhaxeeyey ciidamada amaanka maamulkaasi iyo ciidamo sida la sheegay ka gadoodsanaa maamulkaasi.
Wararka laga helaayo Kismaayo ayaa tibaaxaya in ciidamada gadoodsanaa oo ugu dambeyntii isasoo dhiibay in saakay ay dileen mid kamid ah Oday Dhaqameedyada Magaalaaasi.
Waxaana la sheegayaa in ciidamada gadoodsanaa hubka ay wateen in ay ku wareejiyeen ciidamada amaanka maamulkaasi oo ugu dambeyn xiray ciidamada gadodsanaa.
Waxa uuna iska hor imaadkaani dhacay xili maamulka Jubaland ay soo saareyn amar ah in gudaha Magaalada Kismaayo aynan ilaalada masuuliyiiinta wax hub ah la dhex mari karin.
Waxaa la aaminsanyahay in iska hor imaadkaasi uu ka dhashay qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.


