Israel oo heshay god ka imanaya Qaza

Milatariga Israel ayaa sheegay in ay heleen god ka imaanaya Qaza oo imanaya dhowr boqol oo mitir Israel.

Hadal ay soo saareen ayay sheegeen in godka ay dhiseen miltidiinta Falastiiniyiinta ee kooxda Xamaas “si ay u soo galaan Israel oo ay weerar argagixiso u sameeyaan”

Xamaas oo ka talisa Qaza ayaa sheegtay in Israel ay heshgay god hore.

Waa godkii ugu horeeyay oo la helo tan iyo dagaalkii ay Israel ku qaaday Qaza 2014-kii.

Intii uu socday dagaalka 50-ka maalmood, dagaalyahanada Xamaas ayaa isticmaalay godka afar goor si ay u soo galaan Israel, iyagoo dilay 12 sakari. Israel ayaa burburisay in ka badan 30 god.

Dagaalka waxaa ku dhintay ugu yaraan 2,251 Falastiiniyiin oo ay ku jiraan in ka badan 1,462 oo rayad ah sida aya sheegtay Qaramada Midoobay. Waxaa ku dhaawacmay 11,231 oo qof.

Ilaa 18,000 oo guryo ayaa ku burburay Qaza.

Dhinaca Israel, 67 askari iyo lix rayad ah ayaa dhintay, ilaa 1,600 ayaa ku dhaawacmay.

Madaafiic laga soo riday Qaza ayaa qasaaro u gaystay guryo iyo dhismayal ku yaala Israel.