Iska horimaad ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya

Iska horimaad ayaa ka dhacay meel aanan sidaasi kaga fogeyn afaafka hore ee xarunta madaxtooyadda Villa Soomsaliya, gaar ahaan Koontaroolka wadada ka timaado Isgoyska Umbulutooriyadda Degmada Xamar jajab.

Arintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii ciidan la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwa Imaaraadka iyo ciidanka Koontaroolka Madaxtooyadda ay is afgaareen, iyadoo markii dambe arinta isku bedeshay gacan ka hadal.

Askari ka tirsanaa ciidamada Militariga ee ku sugan Koontaroolka Beerta Nabadda u dhaw ayaa ku geeriyooday, halka sidoo kale dhaawac uu soo gaaray askari la sheegay  inuu ka tirsanaa ciidamada Imaaraadka ee saarnaa gaariga qooqanta ahaa.

Qof ka mid ah dadkii ka agdhawaa goobta ay wax ka dhaceen, ayaa Warbaahinta u sheegay, iyaga oo ciidamada murmaya mar kaliya inay xabad isku bilaabeen, kadibna lagu kala cararay nawaaxiga isgoyska Umbulutooriyadda.

Saraakiisha ciidanka Koofi Gaduud, ayaa durba ku soo cararay goobta ay wax ka dhaceen, iyadoo gaadiid dagaal fara badan laga soo bixiyay xarunta Madaxtooyadda, waxaana la xiray aagga wadooyinka u dhaw madaxtooyadda.

Maydka askariga ka tirsanaa ciidamada Koofi Gaduuda ee Madaxtooyadda ayaa laga qaaday goobtii uu ka dhacay iska hor imaadka, haddana xaaladda waxa ay tahay mid degan.