Isdiiwaangelinta Guddoonka Baatlamaanka oo maanta ay ku egtahay

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa Maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyo diiwaan gelinta iyo Codsi qabashada Musharaxiinta u tartameysa Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.

Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenkadiisa ayaa horay u sheegay in Maanta oo ay taariikhda ku beegan tahay 05-ta Bisha Janaayo in la soo gaba gabeynayo diiwaan gelinta iyo Codsi qabashada Musharaxiinta u tartameysa Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.

Guddiga ayaa shalay Warbaahinta u sheegay in ay meel wanaagsan mareyso diiwan gelinta Musharaxiinta iyo qaban qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamanka.

Xilalka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa Koowaad iyo Labaad ayaa Waxaa u tartamaya Siyaasiyiin Caan ka ah Siyaasada Soomaaliya iyo Dowladihii Dalka soo maray.

Siyaasiyiinta shaaciyay in ay u tartamayaan Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Waxaa ka mid ah Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig, Xildhibaan Xuseen Cusmaan Xuseen, Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar.

Sidoo kale Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad waxaa isku soo sharaxay ilaa hada Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan C/wali Ibraahim Sheekh Muudeey.