Isco “Ma dooneyn inaan noqdo Luis Enrique cusub!”

Kubad sameeye Isco ayaa qalinka ku duugay heshiis waqtigiisa dheer yahay wuxuuna mustaqbalkiisa cayaareed u hibeeyay kooxda Real Madrid.

Isco ayaa banaanka soo dhigay in kooxda Barcelona qal qaalo xoogan xidigaan u gashay sidii ay ku heli laheyd xitaa waxay ku booriyeen inuu dhameesto halkii sano ee qandaraaskiisa kaga harsnaa ka hor inta uusan hada heshiis cusub saxiixin.

Isco wuxuu yiri “Barcelona ayaa marar kala duwan ila soo xariirtay laakiin ma dhageesanin dalabkooda”

“Waxay rabeen inaan heshiis cusub aqbalin sidoo kalena aan dhameesto 12-ka bilood ee qandaraaskeyga Real iiga harsanaa kadibna aan Camp Nou soo aado si bilaash ah”

“Laakiin ma dooneyn inaan noqdo Luis Enrique cusub!”

Isco wuxuu hadalkaas ula jeedaa in xili cayaareedkii 1995/96 marka uu Luis Enrique dhameestay asigoo Real Madrid ah si bilaash ugu biiray kooxda Barcelona markii uu qandaraaskiisa dhamaaday.

Luis Enrique wuxuu Real Madrid u ahaa cayaaryahan muhiim u ah weliba xili cayaareedkiisii ugu dambeeyay 41-kulan oo Madrid cayaartay 35-kulan oo ka mid ah waa lagu soo bilaabay.