Waxaa xiran in badan oo ka mid ah ganacsiga magaalada Bosaaaso, shirkadaha waaweyn ayaa albaabada u xiray xarumahoodi ganacsiga, sidaas si la mid ah waxaa sameeyey ganacsatada yar yar ee Suuqa weyn ee Boosaaso.
Albaabada meheradaha ganacsiga waxaa horfadhiya shaqaalihii iyo mulkiilayaashii ganacsiga, markii la weydiiyo sababta ay ganacsiga u xireen ayey sheegayaan in ay tahay muranka ka taagan dekadda Boosaaso darteed, iyo iyaga oo ka cabsi qaba in mudaaharaado dhacaan kuwaas oo sababi kara in ay soo dhex galaan kuwo boob iyo dhac raadineysa.
In badan oo ka mid ah magaalada waxaa lagu arkayaa ciidamo gaaf wareegaya, gaar ahaan dariiqyada muhiimka ah.
Rugta ganacsiga ee Puntland xarunteeda waxaa taagan ciidamada ammaanka oo wata gaari nooca shabaqlaha ah, waxaa wararku sheegayaan in qaar ka mid ah ganacsatadu ay ku jiraan xarunta rugta ganacsiga.
Doonyihii iyo maraakiibtii ku xirnaa dekadda Boosaaso ayaa ka shiraacdey halkaas waxaana ay baroosinka dhigteen meel aan ka fogeyn dekadda.


