Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 97 qof ay u dhinteen labadii toddobaad ee lasoo dhaafay daacuunka ka dillaacay waqooy bari dalka Nigeria.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in ku dhawaad saddex boqol kun oo qof uu soo ritay daacuunka ka jiro gobollada Yobe iyo Borno, gobolladan waxaa ku yaalla xeryo qaxooti oo ay ku nool yihiin kumannaan qof oo kasoo qaxay weerarada kooxda Booko Xaraam.
Arbacadii ayay ahayd markii Qaramada Midoobay ay sheegtay tani iyo bilawgii sannadkan ay 500 qof ugu dhinteen daacuunka agagaarka harada Chad taaso ka dhigtay masiibadii ugu waynayd ee halkaasi ka dhacdo.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee gargaarka ayaa ka digay in roobabka mahiigaan ee halkaasi ka da’ya ay dhibaato ku reebaan shacabka aaggaasi isla markaasna daadadka ay dhalin karaan inuu sii faafo cudurka.
Waaxda qaran ee ka hortagga masiibooyinka Nigeria ayaa dhawaan afar gobol kaga dhawaaqday xaalad degdeg ah kadib markii in ka badan 100 qof ay u dhinteen daacuunka.
Dowladda waxay shacabka ugu baaqday in aysan cabin biyaha wasakhda isla markaasna ay nadaafadda dhowraan.