Ilhaan Cumar oo ku guuleysatay Kursiga Baarlamaanka Minnessota

Ilhaan Cumar ayaa guul taariikhi ah ka gaartay tartankii ka socday xaafada 60B ee kursiga xildhibaanka Barlamaanka Ismaamulka Minnessota ee dalka Mareykanka.

Gabadhan ayaa ka guulaysatay haweeynayda mudada dheer kursigan ku soo fadhiday ee Phyllis Kahn iyo waliba Maxamuud Nuur oo ah wiil Somaliyeed ,kaasi oo isna loolan adag u soo galay sidii uu ugu guulaysan lahaa kursigan.

Ilhaan Cumar ayaa heshay codad dhan 41%, halka Maxamud Nuur uu helay codad dhan 30%, iyo Phyllis Kahn oo heshay codad dhan 29%.

Guusha Taariiqiga ah ee ay gaartay Ilhaan ayaa waxaa soo dhaweeyay Somalida iyo dadka kale Cadaanka ah ee taageerada la garab taagnaa Ilhaan.

Iyadoo la hadleysay taageerayaasha ayeey Ilhaan waxa ay sheegtay inay aad ugu mahadcelinayso sida wanaagsan ee ay ugu codeeyeen iyo taageerada ay u muujiyeen.