Howlgallo ka socda Muqdisho

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Saakay howlgallo kala duwan waxaa ay ka bilaabeen xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Howlgallada ayaa ka socda Degmooyinka Hodan iyo Wadajir.

Waxaa howlgalkaan si wadajir ah u fulinaaya Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya.

Sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa soo qabqabtay dhalinyaro badan intii uu socday howlgalka ,waxaana dhalinyarada ugu badan laga soo qabtay Degmada Wadajir gaar ahaan Xaafadda  Siligga.

Sidoo kale Ciidamada dowladda ayaa joojinaaya Gaadiidka dadweynaha ,islamarkaana dadka gaariga saaran mid mid u baaraya.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa Risaala u sheegay in howlgalkaan lagu xaqiijinaayo Ammaanka.